Hadda ka hor Nin Injineer ahaa, ayaa waxaa ku dhacday shaqo la’aan,
kadib waa uu fakiray waxoona ogaaday booska diktoorka inay shaqooyin ka banaanyihiin.
Xarfaan ciyaalka xaafada ah oo arday ka ahaa JAAMACAD Lagu barto Dhaqtarnimada, ayaa aqriyay misana dhahay, waaba lacag meel cidla iska taalo bal aan galo..
Kolka oo ugalay buu ku dhahahy Inijineerkii diktoorka iska dhigaayay. ” Waan xanuunsanahay, waxaana iska waayay Dhadhanka oo waxba ma dhadhamin karo”.
Bukaankii isla markuu hal mar kabaday ayuu tufay kuna dhahay “War kani waa banziiin ma idileesaa”
Injineerkii ku jawaabay, Hanbalyo waan kuu soo celiyay Dhananka ee iska keen 500 USD.
Xarfaankii Asigoo xanaaqsan oo lacagtii dhiibay, niyada ka dhahay Beri ka jaraa..
Isla maalintii labaad soo laabtay, haddana waxuu ku dhahay “Waxaa iga luntay Xasuusta ee wax aan xasuusan karo haba yaraatee ma jirto”
Injineerkii ayaa ku jawaabay wax dhib ah malahan, Waxuuna wacay kalkaalisadii, waxuuna ku dhahay waxaad ii keentaa Dawada numberkeedu yahay 23.
Xarfaankii isla markiina waxoo la soo booday Waa tii shalay oo banziinka ku jirtay.
Injineerkii ku jawaabay “Owguuriyo waan kuu soo celiyay xasuustaadii waxaa lagaa rabaa 500 USD”::
Xarfaankii caro meel oo is geeyo asigo la’a ayuu lacagtii baxiyay waxoona hoos ka dhahay Balan waaye beri waan kaa raynaaa..
Isla maalintii ku xigtay haddana wuu soo laabtay, kuna dhahay idhageeso araggii baa iga luma waxba ma arki karo.
Injineerkii ku jawaabay ” oo waan ka xumahay arintaa wax dawo ah uma hayno, laakiin wxaan ku siinaa 1000 USd Sida balantiiba ahayd”,
Xarfaankii farxad asigoo ah "haa isii kunka doolar" ku dhahay .
Injineerkii ayaa boorsada ka soo baxiyay labo 5 doolar ah, kadibna siiyay..
Xarfaankii la soo booday tan waa waa 5 doolar kaliya.
Injineerkii ku jawaabay ” awguuriyo waan ku daweenay indhaha waxaad iska baxisaa 500 Doolar”

0 Comments