Subscribe Us

header ads

Waxtarka Toonta Ay Leedahay

Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhana loogu yeelo cuntooyin aad u farabadan. dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah.

Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, funguska iyo sidoo kalena jidhka sunta ka saarta.



Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaad.

Maqaalkan waxaan kuugu sheegi doonaa 8 faa’ido oo toontu u leedahay caafimaadka.

 1. Waxay Horumarisaa Caafimaadka Wadnaha:
Toontu waxay si aad ah ugu fiican tahay caafimaadka wadnaha, waxay caawimaad ka geysataa inay horumariso wareegga dhiigga waxay hoos u dhigtaa kalastaroolka, waxaanay ka hortagtaa cudurrada wadnaha ku dhaca, sidoo kale waxay ka hortagtaa in halbowlayaasha wadnaha ee dhiigga haba ay cidhiidhi noqdaan taasi oo ah waxa ugu badan ee sababa wadne istaagga.

2. Waxay Kantarooshaa Dhiig-Karka:
Cilmi Baadhis ayaa waxay caddeysay in toontu ay hoos u dhigto dhiig karka, dadka dhiig karka qabaa waa inay maalin walba cunaan jab yar oo toon ceyriin ah iyagoo calooshoodu maran tahay.

3. Waxay Sare U Qaadaa Difaaca Jidhka:
Toonta waxaa aad ugu badan fiitamiinada ay ka mid yihiin Fiitamiin C, B6 iyo macdanaha sillium iyo magnesium kuwaasi oo si aad ah sare ugu qaada difaaca jirka.

4. Waxay Dawaysaa Qufaca:
Toontu waxay si weyn u daweysaa qufaca sidoo kale waxay faa’iido weyn u leedahay daweynta xiiqda (asthma) iyo burukiitada.

5. Waxay La Dagaalantaa Elerjiga:
Toonta Waxaa ku jira maadooyin la dagaalama fayraaska iyo inflamation-ka kuwaasoo jirka ka caawiya inuu la dagaalamo noocyada kala duwan ee elerjiga ama xasaasiyadda.

6. Waxay Daweysaa Ilko-Xanuunka:
Toontu waxay sidoo kale aad hoos ugu dhigtaa ilko xanuunka maadaama ay ku jiraan maadooyin la dagaalama bakteeriyada. Si iligga ku xanuunaya si dhakhso ah xanuunka uga joojiso burburi jab yar oo toon ah islamarkaana dul dhig iligga ku xanuunaya.

7. Waxay Caawisaa Dheefshiidka:
Toontu waxay nidaamisaa shaqada caloosha si ay sare ugu qaado dheefshiidka iyo burburinta cuntada toontu waxay sidoo kale beerka ku caawisaa inuu jirka kasii daayo sunta, iyadoo beerka ka ilaalisa inay waxyeello soo gaarto.

8. Waxay Ka Hortagtaa kansarka:
Toontu waxay caawimo ka geysataa ka hortagga kansarka siiba kansarka ku dhaca hab-dhiska dheefshiidka iyo sambabada. Dadka taariikh ahaan qoysaskooda uu kansarku ku lugleeyahay waxaa lagula taliyaa inay si joogto u cunaan toonta si ay hoos u dhigaan khatarta ay ugu jiraan noocyo badan oo kansar ah.

ALLAHA INNAGA HAYO DHAMMAANTEEN

Diyaariye: Ismail Maxamed Axmed (Fanax)

Post a Comment

0 Comments

Markabkii TITANIC