Subscribe Us

header ads

Markabkii TITANIC

 



Markab aad u qurux badan oo baaxad weyn kharash badanina ku baxay dhismihiisa, looguna tala galay in wax walba oo khatar ah aysan isaga wax yeelin ayaa ka soo safray magaalada SOUTHMPTON ee Ingiriiska sanadku markuu ahaa 1898. Isagoo u socda Maraykanka,waxaana saarnaa dad lagu qiyaasay 3000 oo isugu jiray maalqabeeno, madax, Fanaaniin iyo dadweyne kalaba.

Hase ahaatee Markabkaasu markuu marayey waqooyiga badweynta Atalantic, saacaduna ahay saqdii dhexe ee habeynimo ayuu duqeeyey Buur aad weyn oo baraf ah, waxaa halkaa ku dhintay kalabar dadkii saarnaa, sababtana ay ugu wacnayd doomaha badbaadada oo aad ugu yaraa,maxaa yeelay lama aamin sanayn inuu gadoomi karo.

Sheekadan ayaa waxaa qoray nin la oran jirey Robertson iyada oo been ah (Novel). Wuxuuna sheekadiisa ku daray in dadka badbaaday ay ugu badnaayeen Dumarku maxaa yeelay raggii markabka ayaa go,aansaday in dumarka xoogaaga Doomaha ah Lagu guro oo iyaga la badbadiyo ragguna nasiibkooda sugaan.

Ninkaasu wuxuu Markabka beenta ah u bixiyey TITAN.

14 sano kadib ayey sheekadaasu u dhacday siduu ninku ku sheegay novelkiisii taasoo ahayd April 14, 1912 markii Markabkii caanka ahaa ee la oran jirey TITANIC. uu gadoomay.

Laakiin dadku waxay la yaabeen siday labada markab ee midna sheekada beenta ah Yahay midna runta yahay ay isgu dhawaayeen.

Waxaa layiri labada markaba waxay ka yimaadeen Southampton England, waxyna u soo socdeen Maraykanka. Waxaa labada markaba saarnaa dad 3000 oo qof ah oo isugu jirey Tijaar, madax iyo dadweyne kaleba.

Waxay labaduba ku gadoomeen waqooyiga badweynta Atalantic, 12kii saqdii dhexe labadoodaba waxaa ku dhintay kala bar dadkii saarnaa oo kii runta ahaa waxaa ku dhintay 1513 qof.

labadooduba way isku magac dhawaayeen kii kii Novelka lagu qoray waxaa qoraagu u bixiyey TITAN halka kii runta ahaa loo yaqaanay TiTANIC waxayna kaloo lahaayeen naynaas ah ma quusayaal (Unsinkable).

Doomaha badbaadadu way ku yaraayeen oo waxaa lafilayey inuusan quusaynin wax kastoo yimaada.

Waxaa taas ka darnayd ninkii ugu horeyey ee sheekadii beenta ahayd ee Novelka daabacay oo joornaaliiste ahaa ayaa ku jirey dadkii ku dhintay kii runta ahaa TITANIC.

23 sano ka dib wiil dhalin yaro ahaa oo la oran jirey Reeves ayaa isna markab uu Kaptan (Captain) kayahay ka soo tegay England isagoo u socda Canada. markuu marayo Atalantic ayaa waxaa ku soo dhacday in meesha uu marayaa tahay meeshii labadii markab ee midna beenta ahaa midna runta ahaa ay ku qalibmeen

Saacaduna tahay saqdii dhexe ee habeynimo, taariikhduna tahay April 14keedii oo ahayd xiligii ay masiibadu ku habsatay Titanic.

Wiilkii walwalkii ayaa ka batay wuxuu ku dhuftay qaylo uu ku amrayo in markabka la Joojiyo oo baroosinka loo taago si marka waagu baryo loo hubiyo inuusan markabku qatar ku jirin.

Ragii saaxiibadiis ahaa ayaa ku qoslay oo kula kaftamay inuu fulay yahay. hase yeeshee waxaa lagu go,aan saday in amarkiisa la yeelo.

Subixii markii waagii baryey ayaa la arkay markabka hortiisii oo Buur baraf ahi hortaalo waxaa la yiri waxay qaadatay 9 maalmood in buurtaas la jebiyo si uu markabkasi wado u helo.

Waxaa kaloo ka darnayd wiilka dhalashadiisu waxay ahayd habeenkaas April 14 markabkiisana waxaa la oran jirey TITANIAN

Post a Comment

0 Comments

Markabkii TITANIC